Written by 4:22 pm Uncategorized

*Ethiopia, Hub-kadhimista Ciidanka Gaarka ah ee Deegaanada.

Deegaanka Axmaarada: waxaa laga soo sheegayaa dagaallo u dhaxeeya Ciidanka qaranka & malayshiyaadka deegaanka (Ciidanka Gaarka ah & FANO). Odayaasha & Saraakiisha Axmaaradu waxay Abiy u sheegeen ineeysan macquul ahayn qorshaha hub-kadhimista. Dhammaan madaxda sare & hogaaminta PP ayaa ka baxday Baxardaar & gobolada, kuna sugan Addis & Nazareth, lamana rajaynayo inay ku noqdaan deegaanka intuu xaal sidan yahay. Madaxa Maamulka ayaa ku dhuumanaya Huteel ku yaalla Addisababa

Deegaanka Canfarta: Abiy wuxuu u qabtay 3 maamlmood oo ku eg barrito inay hubka kudhigaan malayshiyaadka Canfartu. Canfartu waxay bilaabeen qaylo-dhaan u dirsadaan Axmaarada ayagoo leh “Aadan & Jabuutaa kadambeeya” wayse ku qasban yihiin waxaana xiga in malayshiyaadka & sirdoonka Eritrea kabaxaan gobolka

Deegaanka Soomaalida: warar iskhilaafsan ayaa ka soo baxaya, waxaana kamid ah inuusan jirin go’aan golaha fulinta oo ku saabsan hub-kadhimista Ciidanka Gaarka ah. Mustafa wuxuu sheegay inuu taageersan marne diidan yahay go’aanka Abiy. Shacabka & waxgaradka Soomaalida ma aaminsana Mustafa iyo wuxuu sheegayaba.

Gunaanad: waxaa muuqata in saamaynta dagaalka u dhaxeeya Tigreega (Tigray Eritrea & Ethiopia)  bilow u yahay arinkan. Eritrea & Tigray ayaa lakala saftay Axmaarada & Oromada. Abiy hadduu ku socdo ama kanoqdo arinkan, laba-gooraba  waa kii ku fashilma.

(Visited 52 times, 1 visits today)
Close Search Window
Close
Verified by MonsterInsights